|
Muqdisho, (insidesomalia.org)-Deegaanka Xamar Jadiid ayaa saaka laga helay Meydadka labo Qofood oo da' ah, kuwaasi oo xaley ay toogteen Ciidamada Itoobiya oo kusugan aagaasi.
Ciiidamada itoobiya ayaa waxaa cado u ah markii laweraro in ay toogtaan wixii ay arkaan o shacab ah,waxaana xaley jirey weerar lagu qaadey fadhiisimada ciidamada Itobiya ay ku leeyihiin Magaalada muqdisho
Qaar kamid ah dadkii saaka meydadkaasi arkay ayaa sheegay in ay ku yaallaan jirarkooda rasaas kala duwan taasi oo muujineysa in meelo dhaadheer ay kasoo toogteen Ciidamada Itoobiyanka.
Laba qof ayaa waxaa kamid ah nin oday ah oo da'diisa ay kor u dhaaftay 80 sano jir,kaasi oo gurigiisa ku ilaalsanayay deegaankaasi isla markaana isago adeeg wata ay toogteen ciidanka Itoobiyaanka.
Waxaa uu yaallay meydka ninkaasi odayga ah meel aan ka fogeyn gurigii uu ilaalinayay, iyadoona saaka si dhuumasho ah looga soo qaaday goobtii lagu diley.
Markii ay magaalada muqdisho dagalada kabilowden ayaa daweynaha inteedo bdan waxaa ay kaqaxeen guriyahoodii,hase ahaatee waxaa jira guryo ay hanti badan talo oo aan lacidleyn krin kuwaasi oo lagu dhaafo intaban dadka waayeelka ah.
Dadkaasi guriyaha lagu dhaafo ayaa waxay dhibato weyn kalkulman Ciidamada Itoobiya marka lasoo weeraro iyo marka ay baaritano kasameynayaan xaafadaha gudahooda.
Waxaan dhoor jer o hore dhacdey in dad sidaan oo kale guryo loogu dhaafey oo lawada gawracay,kadibna meydadkooda laga heley xaafadii ay ilaalinayeen.
|